Home WARARKA Laba Weerar Barakicin Shacab oo Ka Dhacay Dayniile iyo Hodan

Laba Weerar Barakicin Shacab oo Ka Dhacay Dayniile iyo Hodan

7
0

Maanta laba weerar oo barakicin ah ayaa lagu qaaday xaafadaha Warlaliska ee degmada Dayniile iyo Soonakey ee degmada Hodan, kuwaasoo si gaar ah u beegsaday dadka deegaanka.

Weerarka Koowaad:Warlalis

Saakay aroortii, ku dhowaad lixdan tikniko oo ay saarnaayeen ciidamo isku dhaf ah oo boolis iyo milatari ah ayaa lagu dul dhigay xaafadda Warlaliska ee Dayniile. Ciidamadan ayaa boqolaal dhalinyaro ah ka soo kaxeystay guryahooda, kuwaas oo indhaha laga xiray oo la geeyay goobo la isugu keenay. Waxaa la xaqiijiyay in caruurta qaar lagu qasbay jirdil iyo garaacis, laakiin ugu dambeyntii qaar ka baxsadeen.

Dadka deegaanka oo ka war helay barakicinta ayaa isku dayay in ay iska caabiyaan, iyagoo ku turey ciidamada rasaas nool oo toos loogu furay. Dhimashada ayaa lagu sheegay ku dhowaad 10 qof, afar ka mid ahna waxaa rasaas guryaha ku dhacday. Dhaawaca ayaa gaaray 16 qof oo caruur badani ku jiraan, kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka iyadoo wadooyinka laga xiray si looga hortago ka baxsashada dadka dhaawaca ah.

Weerarkan dhul-boobka ah ayaa waxaa loo fulinayay siyaasiin lacago la siiyay iyo ganacsato lagu sheegay in madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiir Axmed Fiqi, iyo Agaasime Mahad Salaad ay ku lug leeyihiin, halka Ganacsatada Gallad iyo Cabdulahi Wardheere ay iibsatay dhulka la barakiciyay, taas oo sababtay in shacab caruur badan ay ku dhaawacmaan.

Weerarka Labaad: Soonakey

Degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda Soonakey, saakay waxaa ka dhacay howlgal dhul-boob oo la mid ah kan Dayniile, kaasoo ay hoggaaminayeen Gudoomiye Cali Fahle iyo Mooryaan Yare. Weerarkan ayaa lagu beegsaday dadka si sharciyeysan u leh dhulkooda, iyadoo la isku dayay in laga faa’iideysto buuqa ka taagan Dayniile si dadka Hodan loogu barakiciyo. Taasina waxay keentay mudaharaadyo kale oo deegaanka ka dhacay.

Gabagabo, Isku soo wada duuboo, maanta waxa dhacay duulaan beeleysan oo muuqaal ahaan loogu talagalay in hal beel gaar ah lagu barakiciyo iyadoo la isticmaalayo magaca dowlada iyo ciidamada booliiska. Halkaa waxaa lagu xasuuqay caruur iyo haween mudaharadaya.

Hay’adaha xuquuqul insaanka gudaha iyo kuwa caalamiga ah ayaa looga codsanayaa in tallaabo degdeg ah ka qaadaan dhacdadan, gaar ahaan ilaalinta caruurta iyo dadka aan waxba galabsan, kuwaas oo dhiigoodu hadda wadooyinka ku daadanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here