Home WARARKA Labada Aqal ee BFS oo maanta kulan ka leh Ajande labadii kulan...

Labada Aqal ee BFS oo maanta kulan ka leh Ajande labadii kulan u dambeeyay buuq dartees loo gudagali waayay

2
0

Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii saddexaas oo xiriir ah isku dayaya kulan looga hadlayo Arrimaha Dastuurka Dalka gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad oo labadii fadhi u dambeeyay buuq ka socon waayay.

Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in kulankooda maanta ay xaadiraan marka laga reebo Xidhibaanno iyo Senatarro dhowr kulan laga ganaaxay in ay ka qaybgalaan kulamada Baarlamaanka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa kulankii ugu dambeeyay Xarunta Villa Hargaysa ka dhex sheegay in ay wadahadlayaan Xildhibaannada iyo Senatarrada uu ka furmi waayay kulanka si xal loogu helo caqabaddaas uu ka shiri la’ yahay Baarlamaanka.

Waxaa ganaax ku maqnaanaya Xildhibaanno in ka badan 35 Xildhibaan, waxaana la ogayn sida uu kooramka u buuxsami doonno maanta, haddii ay Xildhibaannadaas u hoggaansami doonnaan ganaaxa ku dhacay oo ay maqnaan doonnaa & in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here