Maamulka Hirshabelle ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii Degmada Buulo Burte Xasan Maxamed Cabdi iyo Duqii Magaalada Cabdisalaan Cali Maxamed, kadib dhacdooyin la xiriiray xubno ka tirsan shaqaalaha doorashooyinka oo la xirxiray iyo qalabkii diiwaangelinta doorashada oo la qaatay.
Wararka laga helayo gudaha Degmada Buule Barde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in tallaabadan ay timid kaddib markii ay soo baxeen khilaafaad iyo muran la xiriira habka loo maamulayo howlaha doorashada ee degmada Buula Barde.
Sidoo kale waxaa jira khilaaf ka dhashay 40 xubnood oo shaqaale ah oo la qorsheeyay in ay ka shaqeeyaan arrimaha doorashada, iyadoo Maamulka Hirshabelle uu doonayo in shaqaalahaas si siman loogu qeybiyo dadka deegaanka, si loo xaqiijiyo cadaalad iyo matalaad dhammaan bulshooyinka degmada.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa tilmaamaya in arrintan ay xiisad siyaasadeed ka dhex abuurtay qaar ka mid ah dhinacyada ku lugta leh doorashooyinka.




