Home WARARKA Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray Dowladda Federaalka...

Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya

2
0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu joojiyay wada-shaqeyntii uu la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kadib baaritaan dheer iyo qiimeyn ay ku samaysay xaaladda guud ee dalka iyo waxa ay ku tilmaantay faragelin toos ah oo kaga imaanaysa dowladda federaalka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay bilihii u dambeeyay ka waday deegaannada Koonfur Galbeed abaabul ciidan oo lagu wiiqayo midnimada bulshada iyo nidaamka dowladnimo ee heer dowlad-goboleed. Waxa kale oo ay sheegeen in xubno ka tirsan golaha wasiirrada federaalka ay si toos ah u farageliyeen arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo maamulka gudaha.

“Kaddib wada-hadallo badan oo aan la yeelanay dowladda federaalka, kuwaas oo aan ku dalbanaynay in la joojiyo faragelinta, waxaa noo caddaatay in tallaabooyinkaasi ay yihiin kuwo lagu wiiqayo jiritaanka dowladnimada Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay arkeen hub iyo agab ciidan oo, sida ay hadalka u dhigeen, lagu qalabaynayo maleeshiyaad aan la aqoonsan oo ka hawlgala deegaannadooda, kuwaas oo ay ku sifeeyeen kuwo muuqaal ahaan u eg kooxo hubeysan oo ka baxsan nidaamka  dowliga ah.

“Iyadoo laga duulayo arrimahaas, Koonfur Galbeed waxay ku dhawaaqday in laga bilaabo maanta ay si buuxda u hakisay dhammaan wada-shaqeyntii kala dhaxaysay dowladda federaalka, ilaa laga helayo dowladd federaal ah oo xeerineysa nidaamka federaalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu saxaafadda ka akhriyay Afhayeenka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqonaya Dowlad Goboleedkii saddexaad oo xiriirka u jara Dowladda Federaalka Soomaaliya. Horey Puntland iyo Jubbaland ayaa joojiyay xiriirkii Dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here