Home WARARKA Madaxweynaha JFS oo u safray Tanzania si uu uga qaybgalo shir...

Madaxweynaha JFS oo u safray Tanzania si uu uga qaybgalo shir madaxeedka EAC

9
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duhurnimadii maanta ka safray Magaalada Muqdisho isaga oo ka qaybgalaya meertada 25aad ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo berri ka dhacaya Caruusha.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa qayb ka ah wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka oo lagu wado in ay kulamo la qaataan wasiirrada la socda Madaxda Dalalka xubnaha ka ah EAC.

Marka uu Madaxweynaha Soomaaliya uu gaaro Tanzania waxa uu kulamo la qaadanayaa madaxda Dalkaas iyo kuwa kale ee ka socda Dalalka ku bahoobay Bulshada Afrika si ay isaga xog-warraystaan xiriirka ka dhaxeeya iyo ajandaha shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here