Home WARARKA Madaxweynaha Jubaland oo kulan dhiirigelin ah la qaatay Sarakiisha howlgallada gaarka ah...

Madaxweynaha Jubaland oo kulan dhiirigelin ah la qaatay Sarakiisha howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM

1
0

Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan dhiirigelin ah la qaatay Sarakiisha howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM ee Dowlada Maraykanka ee ka howlgala Jubaland.

Wuxuu Madaxweynahu Sarakiisha uga mahadceliyay iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo howlgalka la dagaallanka Khawaariijta, iyo kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahaayeen howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu jabiyay Khawaariijta, kuwaas oo ka dhacay deegaano kala duwan oo Jubaland ka tirsan.

Madaxweynaha ayaa sarakiisha Ciidamada howlgallada gaarka ah ee qeybta ka ah AFRICOM ku ammaanay geesinimada iyo wada shaqeynta ay muujiyeen, wuxuuna si rasmi ah u guddoonsiiyay Bilad Sharaf iyo Shahaado Mahadcelin, isagoo uga mahadceliyay doorkooda muhiimka ah ee taageerada dhinacyada badan ee amniga Jubaland.

Waxay noqon kartaa sawirka qoraal

Ma jiraan sharraxaad sawir oo la heli karo.

Waxay noqon kartaa sawirka masrax

Waxay noqon kartaa sawirka masrax iyo qoraal

Waxay noqon kartaa sawirka masrax iyo qoraal

Waxay noqon kartaa sawirka masrax iyo qoraal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here