Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobay, kuwaas oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Ka Hortagga iyo Ilaalinta Ku-xadgudubka Jinsiga.
Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa Madaxa Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta jinsiga, ka hortagga tacaddiyada ku saleysan jinsiga, iyo horumarinta howlaha gargaarka bani’aadannimo ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa wafdiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay ay la garab taagan tahay shacabka Koonfur Galbeed, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si gaar ah loo xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, carruurta, iyo bulshada nugul, kuwaas oo inta badan ay saameeyaan dhibaatooyinka amni iyo bani’aadannimo.
Dhankooda, wafdiga Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku horumarinayso nabadda, xasilloonida, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyaga oo ballanqaaday in ay sii laba jibaari doonaan taageerada ay siinayaan barnaamijyada la xiriira ilaalinta jinsiga iyo gargaarka bani’aadannimo.
Kulankan muhiimka ah waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay Wasiirrada Wasaaradaha Qorsheynta, Arrimaha Gudaha, Gargaarka, Haweenka, iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo dhammaantood ka qeyb qaatay wada-hadallada lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda iyo Qaramada Midoobay.



