Warar aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed “Laftagareen” uu soo saaray amar uu kaga hor istaagayo wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan inuu u safro magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga – oo ay ku jiraan 7 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka lagu waday in subaxnimadii Talaadada ay diyaarad u raacaan magaalada Baydhabo, balse waxaa la sheegay in laga hor istaagay in ay raacaan amarkaas oo loo aaneynayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Maxamed Cabdi oo ka mid ah xubnaha wafdiga oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa xaqiijiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna rajo xumo ka muujiyay go’aankaasi.
“Waxaan ahayn Todobo Xildhibaan oo uu ku jiro Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal, Safarkii aan ku tagnay Baydhabo waxaa si cad u xanibay Madaxweyne C/casiis Laftagareen” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi.
Xildhibaanada ayaa u safrayay si ay u daah furaan xafiiska xisbiga Horumarinta & Midnimada Qaran oo uu guddoomiye ku xigeen ka yahay Guddoomiye Mursal. Booqashadan ayaa sidoo kale ujeedadeedu ahayd sidii loo abaabuli lahaa taageero ka hor doorashada golaha deegaanka ee muddaysan 30ka November 2025.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Mursal ayaa mar sii horeysay ka digay in la isku dayo in la carqaladeeyo safarkooda, isagoo ku tilmaamay falalkan mid xadgudub ku ah Xuquuqda Dastuuriga ah, oo ay ka mid yihiin xoriyadda dhaqdhaqaaqa iyo ka qeybgalka siyaasadda.
“Xisbigayagu si sharci ah ayuu u diiwaangashan yahay, wuxuuna leeyahay xuquuq siman oo uu kaga howlgalo dhammaan gobollada Soomaaliya, sida ururrada kale ee siyaasadeed,” ayuu Mursal horay u yiri.
Dhanka kale, ilo wareedyo ku dhow dhow Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay in Muqdisho iyo Baydhabo uu ka socdo wadahadallo lagu qaboojinayo xiisadda, laguna xalinayo khilaafka siyaasadeed ee sii kordhaya ee u dhaxeeya Madaxweyne Laftagareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.



