Home WARARKA Madaxweynaha Masar oo markale kuceliyay in dalkiisu diyaar u yahay kamid noqoshada...

Madaxweynaha Masar oo markale kuceliyay in dalkiisu diyaar u yahay kamid noqoshada Howlgalka AUSSOM

13
0

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii loo gaari lahaa xasillooni iyo ammaan Geeska Afrika si loo adkeeyo marin biyoodka Badda Cas.

Madaxweyne Al siisi ayaa arintaan ku micneeyay iyadoo la tixgelineyo in marin biyoodkaan uu muhiim u yahay amniga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Wuxuu intaas ku daray in Masar ay damacsan tahay inay ka qaybgasho Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayna sameyneyso dadaallo adag si ay u hesho maalgelinta lagama maarmaanka u ah howlgalka.

Inta uu ku guda jiray kulankiisa wasiirada iyo madaxda wufuudda Afrika, oo ay weheliyaan wakiillo ka socda Guddiga Midowga Afrika iyo bulshooyinka dhaqaalaha gobolka oo ka qayb qaadanaya shirkii labaad ee wasiirrada ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, oo ay martigelinayso Masar, waxaana goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Badr Abdel-Aty, Madaxweyne al-Sisi wuxuu yiri: “In kasta oo ay jiraan dadaallada ay wadaan dalalkeenna, haddana horumarinta Afrika waxay weli la kulmaysaa caqabado badan, oo ay ku jiraan kaabayaasha dhaqaalaha oo daciif ah, maalgelin aan ku filnayn, iyo khataro badan.”

Madaxweyne al-Sisi wuxuu xaqiijiyay sida Masar uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay dalalka Afrika ee walaalaha ah sida Soomaaliya si ay ula dagaallamaan argagaxisada iyada oo loo marayo hab dhammaystiran oo xoojinaya amniga, horumarka, iyo dhinacyada bulshada, oo ay ku jiraan doorka Al-Azhar iyo barnaamijyada Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka, Nabadaynta, iyo Dhisidda Nabadda ee Qaahira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here