Home WARARKA Madaxweynaha Puntland oo saxiixay sharciga la dagaalanka Argagixisada

Madaxweynaha Puntland oo saxiixay sharciga la dagaalanka Argagixisada

36
0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saxiixay sharciga la dagaalanka Argagixisada ee Puntland, kaasoo ah tallaabo cusub oo awood dheeri ah siinaya hay’adaha amniga ee gobolka.

Sharcigan ayaa waxaa horay u ansixiyay Baarlamaanka Puntland dabayaaqadii bishii July 2025-ka.

Sharciga cusub ayaa u oggolaanaya hay’adaha amniga inay qaadaan tallaabooyin aan caadi ahayn oo ka baxsan qodobbada caadiga ah ee Dastuurka Puntland. Isbadalada ugu caansan waxaa ka mid ah, sharcigu wuxuu u ogolaanayaa ciidamada ammaanku inay galaan guryaha ama goobaha kale iyagoon haysan amar maxkamadeed marka ay baacsanayaan tuhmanayaasha argagixisada. Waxa kale oo ay ogolaataa la socodka wada sheekaysiga telefoonka ee shakhsiyaadka looga shakisan yahay ku lug lahaanshaha dhaqdhaqaaqyada argagixisada.

Sharcigan ayaa dhaliyay dood ku saabsan inuu waafaqsan yahay qodobka 21-aad ee dastuurka Puntland, kaasoo si cad u mamnuucaya in guri la baaro, ilaalo iyo basaas aan la ogolayn, marka laga reebo xaaladaha degdegga ah oo ay booliisku si firfircoon ugu daba jiraan dembiilaha ama fal-dembiyeedka socda.

Sharcigu waxa kale oo uu soo bandhigayaa ciqaab adag oo la saarayo qof kasta oo ku biira, taageera, ama caawiya ururada argagixisada – oo ay ku jiraan xabsi ilaa 20 sano ah ama, xaaladaha daran, ciqaab dil ah.

Kadib saxiixii Madaxweyne Deni ee 8-dii Oktoobar, sharciga waxaa lagu daabacay faafinta rasmiga ah, taasoo ka dhigaysa mid sharci ah. Saraakiisha ayaa sheegay in kuwa hadda u xiran eedeymaha la xiriira argagixisanimada la marsiin doono qodobbada ay soo saareen.

Puntland ayaa wada olole xoogan oo ka dhan ah maleeshiyada Daacish ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Bari. Madaxweyne Deni ayaa wacad ku maray in wejiga ugu dambeeya ee duullaanku uu xoogga saari doono sidii loola xisaabtami lahaa dadka taageera dhinaca saadka ama fikirka ee kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here