Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu wado dadaallo uu maalgashi ugu raadinayo Somaliland, isaga oo xusay in uu doonayo in uu abuuro deegaan ku habboon maalgashiga, isaga oo soo bandhigay khayraadka kala duwan ee Somaliland qani ku tahay.
Madaxweynaha oo wareysi gaar ah siiyay CNN Business Arabic, ayaa sheegay in dhawaan la soo gabagabeyn doono heshiis ganacsi oo Itoobiya dhexmaraya. “Waxa aanu Itoobiya la wadnaa heshiis ku saabsan xamuulka oo aan rajaynayo in dhawaan la soo gabagabeeyo,” ayuu yidhi Cirro.
Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu abuuro gobol nabdoon oo ganacsigu ku badhaadho, isaga oo xusay in gaar ahaan dowladda Maraykanka uu diyaar ula yahay in uu la galo heshiis ku saabsan ganacsiga macdanta qaaliga ah ee laga helo Somaliland.
Waxa uu sheegay in cid kasta oo maalgashata Somaliland ay heli doonto cashuur-dhaaf muddo dheer ah, isla markaana ay faa’iido fiican ka heli doonto ganacsiyada sida macdanta iyo shidaalka. Waxa uu intaas ku daray in laba shirkadood ay hadda ku hawlan yihiin soo saarista shidaalka Somaliland sannadka 2027.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay ka jiraan qaar ka mid ah bangiyada adduunka ugu fiican, isla markaana si maalgashiga loo sii fududeeyo uu u yeedhay bangiyo kale oo caalami ah, isaga oo rajaynaya in qaar badan oo kale ay soo eegan doonaan fursadaha jira, isla markaana xarumo ka furan doonaan Hargeysa.
“Waxa aanu leenahay dhammaan noocyada macdanta, saliidda iyo gaaska, khayraadka badda, dalxiiska iyo xeebaha ugu fiican caalamka, dhul dihin oo beeraha ku habboon. Waxa aanu haysanaa fursado badan,” ayuu yidhi Cirro.
Madaxweynaha ayaa dhawaan wareysi uu siiyay Reuters ku sheegay in uu socdo heshiis ganacsi oo Israa’iil lagaga iibinayo macdanta qaaliga ah ee Somaliland, isla markaana ay Somaliland ku helayso qalabka casriga ah ee Israa’iil soo saarto iyo tiknoolajiyad qaali ah.



