Home WARARKA Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo gaarey magaalada Muqdisho

Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo gaarey magaalada Muqdisho

3
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa manta muddo 18 bilood ka dib ah soo gaarey magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe oo kamid ah Golaha Mustaqbalka ayaa ka qeyb gali doona shir uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Shirkaasi ayaa diiradda lagu saari doona xaaladda guud ee dalka, sida arrimaha amniga, dagaalka Al-shabaab Abaaraha iyo Doorashooyinka.

Sida qorshaha yahay shirka ayaa qabsoomi doona maalinta berri, sida ay ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here