Home WARARKA Madaxweyne Deni iyo Xildhibaanno ka tirsan BFS oo ka safray Muqdisho

Madaxweyne Deni iyo Xildhibaanno ka tirsan BFS oo ka safray Muqdisho

1
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka safray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyaga oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Bixitaanka wafdigan ayaa yimid ka dib markii ay fashilmeen wadahadallo maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaannada raacay madaxweyne Deni ay u badan yihiin xildhibaannadii dhowaan laga hor istaagay fadhiyada baarlamaanka, kuwaas oo hadda qorsheynaya inay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka bilaabaan magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.

Sidoo kale, toddobaadkii hore waxaa magaalada Muqdisho ka safray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe oo ku laabtay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

 

 

Ilaa hadda lama oga xilliga rasmiga ah ee wada hadallada dib u billaaban doonaan, iyadoo dhinacyada loogu baaqay in ay tanaasul muujiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here