Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka ka dalbanayaan magdhow ku aaddan halistii la geliyay xildhibaannadii shalay hawada laga celiyay, kuwaas oo ku sii jeeday Garowe si ay uga qeybgalaan shir wadatashi ah. Waxa uu sidoo kale xusay dhacdo hore oo ciidankiisa ilaalada ahaa looga celiyay hawada Muqdisho.
Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay tallaabooyinkaasi sii hurinayaan kala fogaanshaha siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay muujinayaan, sida uu hadalka u dhigay, “in aan wax sharci iyo xeer midna la tixgelin.” Waxa uu intaa ku daray in xildhibaannada Puntland ay haatan ku sugan yihiin Muqdisho, isagoo ku tilmaamay xaaladdooda mid u eg afduub siyaasadeed.
“Haddii ay dhacdo in muwaadiniin la afduubo, arrintaas siyaabo kale ayaa looga jawaabayaa. Bulshada lagu xadgudbayo waa in laga bixiyo jawaab degdeg ah. Marka aan gudbino dacwadaha rasmiga ah, waxaan dalban doonaa magdhowga iyo khasaarihii ka dhashay falkaas,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Waxa uu sidoo kale sheegay in xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta dalka aysan ahayn mid horseedi karta hoggaan mideeya Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay madaxda Villa Soomaaliya in aysan u qalmin masuuliyad qaran oo ilaalisa sharafta muwaadiniinta.
Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee maamula hawada Soomaaliya in ay dib u eegaan waxa uu ku tilmaamay xadgudubyada ka dhacaya hawada dalka, ayna ka hortagaan falalka khatar gelinaya badqabka muwaadiniinta.
Ugu dambeyn, waxa uu Dowladda Federaalka ugu baaqay in si degdeg ah loogu oggolaado xildhibaannada inay u safraan deegaannadooda, lagana waantoobo tallaabooyin uu sheegay inay sii kala fogeynayaan bulshada iyo dowladnimada.



