Home WARARKA Madaxweyne Laftagareen: Lama ogolaanayo cid Wiiqeysa Amniga iyo Awoodda Maamulka Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen: Lama ogolaanayo cid Wiiqeysa Amniga iyo Awoodda Maamulka Koonfur Galbeed

1
0

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa si adag uga digay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga, xasilloonida iyo nidaamka maamul ee deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in cidna aan loo oggolaan doonin inay hub iyo qalalaase ku raadiso dano siyaasadeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay masjid ku yaalla magaalada Baydhabo, ayaa ka hadlay dagaal kooban oo Khamiistii ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada, kaas oo uu ku tilmaamay isku day qorsheysan oo lagu abuurayay fowdo iyo amni darro, balse ay si degdeg ah uga hortageen ciidammada Koonfur Galbeed.

Laftagareen wuxuu sheegay in dagaalkaasi ay ka dambeeyeen shakhsiyaad xiriir la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo saldhigyo ku leh Muqdisho, inkastoo uusan magacyadooda shaacin. Wuxuu tilmaamay in faragelinta noocaas ah ay halis ku tahay wada noolaanshaha iyo horumarka ka socda Baydhabo.

“Ma jiri doonto cid hub sidata oo ka baxsan awoodda maamulka Koonfur Galbeed, Hub kasta waa inuu ku jiraa gacanta dowladda,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen, isagoo adkeeyay in tallaabo adag laga qaadi doono koox kasta oo jebisa amarkan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay in siyaasadda lagu galo dariiq sharci ah, isagoo ugu baaqay cid kasta oo leh aragti siyaasadeed inay u marto hay’adaha dastuuriga ah, halkii ay hub iyo cabsi adeegsan lahaayeen.

Ugu dambeyn, Laftagareen wuxuu ku celiyay in maamulkiisu ka go’an yahay ilaalinta nabadda, horumarka iyo midnimada bulshada Koonfur Galbeed, isla markaana ay mar walba u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan fal kasta oo khatar gelinaya amniga iyo dowladnimada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here