Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari oo adag oo ku wajahan kooxaha burcad-badeedda Soomaaliya.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ciidanka Mareykanku ay gantaallo ku weerari doono oo dili doonaan cid kasta oo lagu tuhmo burcad-badeednimo, xitaa haddii aysan weerar ku qaadin maraakiib Mareykan ah.
Wuxuu caddeeyay in haddii qof ama doon u dhaqaaqdo dhanka markab, la beegsan doono isla markiiba, xitaa haddii markabkaasi uusan ahayn mid Mareykan leeyahay. Sida uu hadalka u dhigay, “Qofkii isku dayo inuu u dhaqaaqo dhanka markab, wuxuu la kulmi doonaa ciqaabta ugu dambeysa.”
Trump ayaa sidoo kale sheegay in burcad-badeedda Soomaaliya lagu daray liis la mid ah midka lagu beegsado kooxaha daroogada ka ganacsada, isagoo yiri: “Waxay wajihi doonaan isla gantaalladii aan u isticmaalno burcad-daroogada. Way og yihiin waxa sugaya.”
Inkasta oo burcad-badeedda Soomaaliyeed aysan hadda si firfircoon uga howlgalin xeebaha dalka, haddana hadallada Trump waxay muujinayaan isbeddel halis ah oo ka yimid hanjabaad ficil militari ah.
Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa tallaabooyin nuucaan ah uga geystay dalka Venezuela, isagoo u sababeeyay daroogo iyo amni darro, isagoo ugu dambeyn ku soo rogay cunaqabatayn, go’doomin badeed iyo cadaadis militari illaa uu Mareykanku soo afduubtay madaxweynihii talada hayay ee dalkaas.



