Home WARARKA Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan siyaasadeed kula yeeshay Muqdisho Madaxweynihii hore Shariif...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan siyaasadeed kula yeeshay Muqdisho Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed

9
0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee dalka, ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan oo aan horey loo sii shaacin ajandihiisa ayaa yimid xilli ay jireen kala fogaansho siyaasadeed iyo is-aragtiyo kala duwan oo u dhexeeyay labada hoggaamiye, taas oo keentay in kulankaasi uu yeesho dareen siyaasadeed oo gaar ah.

War kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegaya in kulanka lagu falanqeeyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo marxaladda uu dalku marayo, iyadoo diiradda la saaray baahida loo qabo wada-tashi qaran iyo in la yareeyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ku muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hoggaamiyeyaasha siyaasadda, si loo helo midnimo qaran iyo xal waara oo looga gudbo caqabadaha horyaalla dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulanka ku muujiyay rabitaankiisa ku aadan qabashada shir wadatashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradku horay ugu baaqeen, isaga oo ka dalbaday Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed inuu door muuqda ka qaato sidii shirkaasi u noqon lahaa mid guul ku dhammaada oo lagu gaaro heshiis qaran.” ayaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran.

Dhankiisa, Shariif Sheekh Axmed, ayaa adkeeyay in uu diyaar u yahay ka qayb-qaadashada dadaal kasta oo horseedi kara in ay Soomaali isku timaado, laguna xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira, isaga oo tilmaamay muhiimada ay leedahay midnimo, isku-tanaasul iyo wada-hadal dhab ah.

Kulankan ayaa loo arkaa mid fariin siyaasadeed u diraya guud ahaan saaxadda siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana muujinaya in ay jirto baahi loo qabo isu-soo-dhowaansho iyo wada-hadal si loo wajaho marxaladaha adag ee dalka horyaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here