Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maanta ambabaxo magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu uga qeyb geli doono munaasabadda 90-guurada aas-aaska Ciidanka Cirka Itoobiya.
Xafladaha dabaal-degga ah ayaa lagu wadaa inay socdaan inta u dhexeysa 23-ka illaa 27-ka Janaayo.
Warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in inta uu safarku socdo la qorsheynayo kulan gaar ah oo dhex mara Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa isku dayaya inuu dhexdhexaadiyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Zayed, kaddib markii Soomaaliya ay burisay heshiisyadii iskaashiga ee ay la lahayd Abu Dhabi.
Itoobiya ayaa xiriir istiraatiiji ah la leh Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil, iyadoo labadaas dalna ay la gashay heshiisyo dhinacyo badan taabanaya.
Waabooqashadii 9aad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo Itoobiya tan iyo markii uu xilka mar labaad qabtay ku dhowaad afar sano ka hor.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sidoo kale la filayaa inuu Ethiopia kala hadlo Mowqifka Ethiopia ee aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu horraanta bisha Febraayo ka furmo Addis Ababa.



