Magaalada Kismaayo waxaa lagu qabtay kulanka bilaha ah ee bulshada, caddaaladda iyo amniga Jubbaland, kaasi oo si rasmi ah uu u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal.
Kulanka waxaa kasoo qeyb galay
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka Jubbaland
Xubno kamid ah Golaha Wakiillada
Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Amniga iyo Caddaaladda
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Jubbaland
Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska
Wakiillo ka socday ururada bulshada rayidka ee Kismaayo
Kulankan oo lagu qabto bil kasta, ayaa waxaa lagu falanqeeyaa xaaladda amniga, dardar-gelinta howlaha laamaha caddaaladda iyo sida bulshada loogu dhiirrigeliyo inay si firfircoon uga qayb qaataan ilaalinta nabadgelyada.
Intii uu socday kulanka, Wasiir Dhumaal ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada amniga, isagoo xusay in Jubbaland ay horumar muuqda ku tallaabsatay, balse loo baahan yahay in iskaashiga la xoojiyo.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta kasoo qaybgalay ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga iyo caddaaladda ka soo jeediyay, iyagoo soo bandhigay caqabadaha jira iyo talooyin lagu xallin karo.
Ka qaybgalayaashu waxay si wadajir ah uga doodeen sida bulshada loogu dhiirrigelin karo wadashaqeyn, wacyigelin, iyo soo bandhigida xogaha amniga si looga hortago khataraha ka dhalan kara falalka amni-darrada.









