Dalka Maraykanka ayaa dhaqaale xooggan geliyay duullaanka ay iska kaashadeen Israa’iil iyo Dalal badan oo xulafadiisa ah, waxaana si hordhac ah loosoo bandhigay maalintii koowaad ee 28ka Febaraayo 2026 lacagtii uga baxday duullaankaas.
Sida ay ku warrantay Middle East Monitor, Xukuumadda Washington maalintaas koowaad ku bixisay lacag dhan $779 Milyan oo Doollar oo u dhiganta 0.1% Miisaaniyadda Waaxda Difaaca Dalkaas ee sanadkaan 2026.
Xiligaas dagaalka waxa uu ahaa keliya weerar balse saacado kaddib maalintaas iyo maalmihii kale ee xigay waxa uu Maraykanka qarashgareeyay lacag intaas ka badan maadaama uu difaac xooggan galay isla markaana dagaalka waji kale uu yeeshay.
Maraykanka ayaa adeegsaday Diyaaradaha Bambooyinka culus tuura, Kuwa iska qariya Raadeerka, Diyaaradaha Xawaaraha sare leh sida F-22, F-35, F-16, A-10, EA-18G iyo kuwo kale oo dhammaantood lacag badan ku kacaya halkii mar ay duullaan qaadaan.
Burburka Diyaaradiisa, Maraakiibtiisa, Askarta laga dilay, beegsiga Safaarad, Qunsuliyad, Saldhigyo Militari iyo meelo kale uu ku lahaa Bariga Dhexe ayaa noqday Khasaare kale oo soo gaaray Maamulka madaxweyne Donald Trump.
Maraykanka ayaa dhaqaale dheeraad ah ku bixiyay qalabka Difaaca iyo gantaallada wax burburiya ee Dalalka Carabta iyo Dhulka Yuhuudda sida xoogga ah uga haysato Falastiin maadaama Tehran ay dhan kale u rogtay jawaabteeda.
Washington ayaa awooddeeda isugu gaysay sidii ay sal adeeg ugu muujin lahayd dagaalka ku qaraaraaday iyada oo garab waydiisatay Dalal markii hore ay ka haysatay garab istaag sida Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka sida ay muujinayaan Warbixinno kala duwan oo la helayo.



