Home WARARKA Maraykanka oo la sheegay in uu ciidankiisa kala baxay Dalalka Khaliijka

Maraykanka oo la sheegay in uu ciidankiisa kala baxay Dalalka Khaliijka

2
0

Warar soo baxaya ayaa ku warramaya in Maraykanka uu billaabay qorshe uu ciidankiisa kala baxayo Dalalka Khaliijka Carabta kaddib markii khasaaraha kasoo gaaray duqaynta Iiraan ay kusii korortay goobaha saldhigyada ay ku leeyihiin.

Dalalka laga saaray Ciidamada Maraykanka iyo qalabkooda waxaa kamid Qatar, Bahrain, Kuwait, Ciraaq, Jordan, Imaaraatka Carabta, Suuriya & Dalal kale kaddib markii uu ku kordhay culayska Militari ee soo koray tan iyo 28kii Febaraayo 2026.

Waddamada Carabta ayay u badan tahay in ay isbaddel cusub geli doonnaan maadaama Iiraan ay horay u sheegtay in ay u beegsanayso martigelinta Maraykanka oo saldhigyo waa weyn ku leh Dalalkaasi sida lagu muujiyay warbixinnadii hore.

Washington ayaa sheegtay in ay soo gabagabayn doonto dagaalka Bariga Dhexe balse waxaa hadalkaas waxba kama jiraan ka dhigtay Tehran oo ku goodisay in dhammaadka dagaalku uu yahay mid ku xiran dhankooda waana sida hadda muuqata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here