Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan barnaamijyada kaalmada Mareykanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigtay eedeymo sheegaya in saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ay burburiyeen bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo uu Mareykanku maalgeliyo, islamarkaana ay la wareegeen raashin gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah.
Bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Washington ay “walaac xooggan” ka qabto wararka tilmaamaya in saraakiishu “burburiyeen bakhaar WFP leedahay, si sharci-darro ahna u qaatay 76 tan oo raashin gargaar ah oo deeq-bixiyeyaal ugu talagaleen Soomaalida nugul.”
Bayaanka ayaa intaas ku daray in maamulka Trump “uusan marnaba u dulqaadan doonin” waxa uu ugu yeeray “is-daba-marinta, xatooyada, iyo leexsashada gargaarka nolosha badbaadiya.”
Bayaanka ayaa intaas ku daray in dib u bilaabidda gargaarka ay ku xirnaan doonto in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay “qaadato mas’uuliyadda falalkaas aan la aqbali karin, islamarkaana ay qaaddo tallaabooyin sax ah oo lagu xallinayo arrinta.”
Hakintan la shaaciyay ayaa kusoo biiraysa walaac soo jireen ah oo deeq-bixiyeyaashu ka qabeen kormeerka iyo leexsasashada gargaarka ee Soomaaliya, oo ah mid ka mid ah dalalka dunida ugu badan ee gargaarka ku tiirsan, sidoo kalena ah jiid muhiim u ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.











