Home WARARKA Mareykanka oo sheegay inuu kordhiyay duqeymaha ay ka geystaan gudaha Soomaaliya

Mareykanka oo sheegay inuu kordhiyay duqeymaha ay ka geystaan gudaha Soomaaliya

17
0

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya sanadkan ay ka badan yihiin kuwii sannadkii hore.

Sida ay u xaqiijiyeen Fox News Digital, sanadka 2024 waxaa Soomaaliya laga fuliyay 10 duqeyn oo kaliya, halka sanadkan ay AFRICOM qaaday in ka badan 100 duqeyn.

Howlgalka ugu dambeeyay ayaa ka dhacay buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo godad ku jiray.

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu caddeeyay in howlgalkaasi ay si wadajir ah uga qeyb qaateen Dowladda Federaalka iyo Taliska AFRICOM..

AFRICOM ayaa mar kale ku celisay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Daacish iyo AS ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here