Masar ayaa kaga dhawaaqday shir madaxeedka Midowga Afrika ee Addis Ababa in ay dhawaan u soo diri doonta Soomaaliya ciidamo iyo diyaarado militari, taasoo qayb ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatt oo la hadlayay warbaahinta Al Jazeera, ayaa sheegay in dirista ciidamadu ay timid codsi ka yimid Midowga Afrika iyo Golaha Nabadda iyo Amniga (PSC), iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, si loo taageero xasiloonida dalka Geeska Afrika.
Badr Abdelatt wuxuu tilmaamay amniga Soomaaliya inuu si toos ah ula xiriiro amniga qaran ee Masar, Carabta iyo Afrika, sababa la xiriira muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay ku taallo iridda Badda Cas.
“Midnimada dhulka Soomaaliya waa arrin aad muhiim ah,” ayuu yiri Abdelatty, isagoo ka digay in isku day kasta oo lagu kala qaybinayo Soomaaliya ama lagu goynayo mid ka mid ah gobolladeeda aan la aqbali karin.”
Abdelatty wuxuu intaas ku daray in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxuamud, uu dhowaan booqday Masar, halkaas oo uu ku kormeeray ciidamada Masar ee isu diyaarinayay ku biirista howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya oo ay Masar isku hayaan biyaha webiga Niil ayaa kasoo horjeedda in ciidamo ka socda Masar la geeyo Soomaaliya, iyadoo u aragta mid xasilooni darro ka abuuri karta Gobolka Geeska Afrika, sidoo kalena u aragta cadowgeeda.



