Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu wadaa inay Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka weydiisato in xasaanadda laga qaado Xildhibaano ku lug leh colaadda maleeshiyada beelaha ee ku soo noqnoqotay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose iyo deegaanada hoostaga.
Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, G/dhexe Axmed Xaaji Cabdullaahi (Kamey) ayaa sheegay in ay jiraan masuuliyiin xasaanad leh, kuwaas oo sida uu sheegay ay caddeymo fara-badan u hayaan inay ku lug leeyihiin colaadda beelaha.
“Waxaa jira masuuliyiin xasaanad leh oo ka soo kala jeeda labada dhinac ee ku dagaalamay Degmada Wanlaweyn. Masuuliyiintaas waxa ay maleeshiyaadka siiyaan hub, rasaas, lacago iyo sidoo kalena waxay ku difaacaan afka oo dhanka barraha bulshada ayay taageero iyo difaac la hortaagan yihiin mar walba.” Ayuu yiri Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada.
Waxa kaloo uu yiri “Hadda waxaan soo uruurinay ama aan helnay caddeymo fara-badan oo caddeynaya in masuuliyiintaasi xasaanadda leh ay taakuleeyaan ama ay hoos yimaadaan maleeshiyaadkii ku dagaalamay Degmada Wanlaweyn.”
Waxa uu intaasi ku daray inay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka iyo Guddiga Anshax Marinta ee Baarlamaanka ay ka codsan doonaan in xasaanadda laga qaado Xildhibaanadan, marka ay caddeymaha horgeeyaan.
“Waxaan horgayn doonnaa caddeymaheenna iyo codsi xasaanad ka qaadis Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somaliya iyo Guddiga Anshax Marinta ee Baarlamaanka.” Ayuu yiri Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Militariga oo maanta Warbaahinta kula hadlay deegaanka Yaaq-bariweyne oo hoostaga Degmada Wanlaweyn.
G/dhexe Kamey ayaan sheegin magacyada masuuliyiintaasi, waxaase loo maleynaya in uu uga la jeedo xubno ay ka mid yihiin Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Muhiimadda ay xasaanaddu leedahay
Xildhibaanka ayaan la maxkamadeyn karin, inta uu xasaanadda leeyahay. Xasaanadda ayaa ka hortageysa in Xildhibaanada lala xisaabtamo, waxayna kuwooda laga qaado ay fududeynaysaa in maxkamad la soo taagi karo.
Xasaanad ka qaadista Xildhibaanka
Xildhibaanada ayaa xasaanadda looga qaadi karaa codayn ay sameeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka, ka dib marka la horkeeno mooshin xasaanad kala noqosho ah.
Waxa uu Xildhibaanku xasaanadda ku waayi karaa jebinta shuruucda dalka iyo ku xadgudubka xeerarka Baarlamaanka, sida uu dastuurku dhigayo. Jebinta shuruucda dalka ayaa waxaa ka mid ah in Xildhibaanku uu ku kaco qiyaano qaran amaba ku lug lahaanshaha falal liddi ku ah amniga qaranka.
Xildhibaan kasta oo xasaanadda laga qaado ayaa luminaya dhaqdhaqaaqiisii xorriyadda, iyadoo aanu ka bixi karin magaalada, illaa iyo inta laga maxkamadeynayo. Muddadaasi ayaa waxaa suurtagal ah in xabsi guri la geliyo amaba in lagu hayn karo meel kale oo ammaan ah.
Dhowrista xasaanadda Xildhibaanka ayaa meesha ka bixi karta, haddii lagu soo eedeeyo kiis xasaasi ah oo amniga taabanaya, caddeymo ku filana loo hayo, waana waxa hadda Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida uu isku duba-ridayo, si ay ugu gudbiyaan Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda & Daryeelka Xildhibaanada



