Waxaa la filayaa in maanta Madaxtooyadda Soomaaliya lagu qabto shir u dhaxeeya Dowaladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin Maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Kulamadaan ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha doorashooyinka, Abaaraha ka jira dalka, amniga gaar ahaan dagaalka AS iyo Ilaalinta Midnimada dalka.
Shirkaan ayaa waxaa ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo dhawaan kulan horudhac ah la yeeshay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Wada hadallo ayaa saacadihii la soo dhaafay socday xubnaha Golaha Mustaqbalka lagu qanciyay in ay ka qeyb galaan shirka ka qabsoomaya Madaxtooyadda Qaranka.
Shirkan ayaa aad loo sugayaa natiijada ka soo baxda, waxaana horay u soo dhaweeyay saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Madaxda labada dhinac ayaa saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka waday kulamo gaar-gaar ah, iyaga oo isku diyaarinaya sidii dhinac weliba u soo bandhigi lahaa doodahiisa iyo qodobbada uu miiska keeni doono.
Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa inay is-waydaarsadaan jawaabo ku aaddan qodobbada masiiriga ah, taas oo haddii la isku fahmo soo afjari karta khilaafka siyaasiga ah.



