Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Qaahira ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa Cabdifitaax Al-Siisi si ay uga wada hadlaan Amniga Badda Cas, Marinka Baab Almandab iyo xoojinta iskaashiga labada Dal.
Madaxweyneyaasha Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa sidoo kale isku soo hadal qaadaya in la dadejiyo heshiisyo kol hore ay wadagaleen oo intooda badan quseeya dhinaca Iskaashiga Amni sugid sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso iskaashiga dalalka ay wadaagga ku yihiin marinnnada muhiimka u ah Ganacsiga ee dhinaca Badda si looga hortago khatar weliba oo dhibaato ku ah.
Masar waxa ay kamid tahay Dalalka Afrika ee horumarka ka sameeyay dhinaca Militariga, waxa uu dalkaas qayb ka yahay howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM inkasta oo aanay weli ciidankooda soo gaarin gudaha Soomaaliya.



