Home WARARKA Maxkamadda Degmada Hargeysa oo xukun ku ridday fannaanka Mubaarik Oktoober oo jidh...

Maxkamadda Degmada Hargeysa oo xukun ku ridday fannaanka Mubaarik Oktoober oo jidh dilay Fannaanada Farxiya Fiska

2
0

Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa xukun ku ridday Mubaarik Axmed Yuusuf, oo loo yaqaan Mubaarik Oktoober, kadib markii lagu helay dambi la xidhiidha jidh dil uu u geystay xaaskiisa, fannaannada Farxiya Axmed Caddaawe Geedi (Farxiya Fiska).

Sida ku cad warqadda rasmiga ah ee kasoo baxday maxkamadda, taariikhdeeduna tahay 17/02/2026, dambiga lagu helay fannaanka waxa uu ku salaysan yahay qodobka 440(1) ee Xeerka Ciqaabta.

Maxkamaddu waxay ku xukuntay Mubaarik Oktoober xadhig dhan hal sano iyo afar bilood, iyadoo sidoo kale ku xukuntay inuu bixiyo xuquuq madani ah oo la xidhiidha falka lagu helay.

Warqadda maxkamadda ayaa sheegaysa in muddada xadhigga laga bilaabayo maalintii la qabtay, oo ku beegnayd 18/01/2026, halka xukunkana si rasmi ah loogu dhawaaqay 17/02/2026. Sidoo kale, waxaa lagu caddeeyay in xukunka uu ka furan yahay racfaan muddada sharcigu oggol yahay.

Ugu dambayn, maxkamaddu waxay farriin u dirtay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, iyadoo ku amartay in xabsiga lagu hayo fannaanka ilaa inta uu ka dhammaanayo xadhigga lagu riday, isla markaana uu bixiyo xuquuqda madaniga ah ee lagu waajibiyey.

Wareysi ay Farxiya Fiska siisay warbaahinta 5 Febraayo ayay Farxiya ku sheegtay in ninkeeda Mubaarik Axmed Yuusuf, oo goobaha fanka looga yaqaano “Mubaarik Oktoober”, uu weerar ku qaaday, kuna hayay qol muddo ku dhow afar saacadood, halkaas oo ay sheegtay in uu ku jidhdilay.

“Waxa igu dhacay ma aha wax yar. Ma aanan filayn,” ayay tidhi Farxiya. “Jidhkayga meel caafimaad qabta ma jirto. Wuu i ceejiyay, wuxuuna rabay inuu i dilo. Cunahayguna weli wuu i xanuunayaa.”

Farxiya waxay sheegtay in Mubaarik la xidhay kadib dhacdada, balse lagu sii daayay dammaanad. Waxay intaas ku dartay in ay go’aansatay inay dacwad maxkamadeed la tiigsato, isla markaana ay haatan ku guddo jirto sidii ay dhibkeeda maxkamada ugu soo bandhigi lahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here