Home WARARKA Maxkamadda Gobolka Banaadir oo si rasmi ah u baabi’isay waarankii soo qabashada...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo si rasmi ah u baabi’isay waarankii soo qabashada Madaxweynaha Jubbaland

3
0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah uga laabatay oo baabi’isay waarankii xarigga ee horay loogu soo saaray Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Warqad kasoo baxday xafiiska Maxkamadda ayaa sheegtay in go’aankan uu ku saleysnaa dacwadda ciqaabta ah ee lagu soo oogay Axmed Maxamed Islaam, iyadoo la tixraacay qodobbada 70/1 B/2, 76, 77 iyo 107/3 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo dastuurka ku meel gaarka ah.

Sida ku cad warqadda maxkamadda, amar kasta oo hore loogu soo saaray Soo Qabasho iyo Horkeenis oo la xiriiray dacwadda MGB/DCL/1531/2024 ayaa hadda la baabi’iyay, waxaana go’aanka rasmiga ah la gaaray 29 Janaayo 2026.

Maxkamaddu waxay xustay in tallaabadan ay ka turjumeyso ilaalinta xuquuqda sharciga ah iyo waajibaadka ka saaran hay’adaha garsoorka dalka, iyadoo dhammaan tallaabooyinka sharci ee la xiriira dacwaddan lagu fulinayo si waafaqsan xeerarka dalka.

Tani waxay u gogol xaari doontaan inuu Axmed Madoobe yimaado magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka dhacaya 1da Bisha Febraayo ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbal Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here