Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar Xeydar Muqtaar iyo Maxamed Qadar Cali Aadan, oo labaduba lagu heystay dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo sanadkii 2025.
Baaris dheer kadib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiiskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa bishii 12-aad ee sanadkii 2025 xukun ku riday:
Waxaana Maxkamadda ay ku xukuntay Maxamed Aadan Abuukar Xeydar, 15 sano oo xabsi argagixiso ah sidoo kalana Maxamed Qadar Cali Aadan, ayay ku riday 20 sano oo xabsi argagixiso ah
Si kastaba ha ahaatee, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkaas.
Afartii bishan, Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhageysatay dalabka racfaanka, iyadoo dhinacyada dacwadda si buuxda u siisay waqti ay ku difaacaan aragtidooda.
Ugu dambeyn, maanta Maxkamadda Sare ayaa xukun kama dambeysta ah ku riday labada eedeysan waxaana Maxamed Aadan Abuukar Xeydar iyo Maxamed Qadar Cali Aada lagu wada xukumay min 15 sano oo xabsi argagixiso ah sida uu warbaahinta u xaqiijiyay xukunkaan Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka.



