Home WARARKA Maxkamaduhu ma awoodaan in ay dhagaystaan tabashooyinka la xiriira Doorashooyinka?

Maxkamaduhu ma awoodaan in ay dhagaystaan tabashooyinka la xiriira Doorashooyinka?

16
0

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin ayaa sheegay in maxkamadaha ay ka garnaqi karaan tabashooyinka ka yimaada Xuquuqda Dastuuriga ah ee Muwaadinka ku waayo Doorashada.

Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay in qof weliba uu leeyahay xuduud uusan ka gudbi Karin, sidaas oo kale xuquuqdiisa uu xaq u leeyahay in uu helo, doorashadana ay kamid tahay, haddii uu waayo ama wax ku dhacaan uu garnaqsan karo.

“Tabasho ayaa soo gudbin kartaa, Maxkamaduhu waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka garnaqaan Doorashada, haddii Muwaadinku uu waayo xuquuqdii uu u lahaa in uu codeeyo” Sidaasi waxaa yiri, Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS, Xasan Macallin.

Soomaaliya waxaa 25ka Bishaan lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada dadweyne ee Golaha Deegaanka, waxaa ugu horrayn laga billaabayaa Gobolka Banaadir, iyada oo ay tartamayaan Ururro siyaasadeed oo haatan ku jira waqtiga ololaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here