Home WARARKA Midowga Yurub oo billaabay qorshe cusub oo looga hortagayo tahriibayaasha sii kordhaya

Midowga Yurub oo billaabay qorshe cusub oo looga hortagayo tahriibayaasha sii kordhaya

15
0
Midowga Yurub oo billaabay qorshe cusub oo looga hortagayo tahriibayaasha sii kordhaya

Ururka Midowga Yurub ayaa billaabay qorshe cusub oo lagu sheegay in looga hortagayo kororka tahriibayaasha uga gudba dhinaca Qaaradda Afrika kuwaas oo xaalado kala duwan la kulma muddada ay safarka ku jiraan.

Dalal badan oo xubno ka ah Ururka Midowga Yurub ayaa kulan gaar ah ka yeeshay siyaasadda cusub ee looga hortagayo dadka tahriibayaasha ah ee sanadkaan la tilmaamay in ay aad u kordheen marka la dhinac dhigo sanadihii hore.

Midowga Yurub ayaa dhaqaale ku bixinaya howlgal lagu qabqabanayo tahriibayasha kahor inta aysan kasoo safrin Dalalka dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika halkaas oo ay uga sii gudbaan Badda Mediterranean sidaasina ku gaaraan Dalal dhinaca baddaas xiga.

Dowladda Talyaaniga oo ah marinka ugu badan ay caga-dhigtaan Tahriibayaasha ayaa horay heshiis socon waayay la galay Liibiya, waxa uu qorshuhu ahaa in ay Xukuumadda Tripoli ay celiso tahriibayaasha kana hortagto qulqulkooda.

Culayska oo ka gudbay Talyaaniga ayaa gaaray dalal badan oo Yurub ah kuwaas oo haatan billaabay qorshe ay si wadajir ah isaga kaashanayaan si loo hortagana dhaqaale badan ay ku bixinayaan dhaqangelinta mashruucaan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here