Home WARARKA Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya waligiis lama ansixin, wuuna fashilmay”Wasaaradda Arrimaha dibadda ee...

Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya waligiis lama ansixin, wuuna fashilmay”Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Isra!l

1
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isra!l ayaa baahisay qoraal muhiim ah oo dib u xasuusinaya caalamka mowqifkii rasmiga ahaa ee Midowga Afrika uu ka qaatay qadiyadda Somaliland.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in qof kasta oo iloobay looga baahan yahay inuu eego waxa Midowga Afrika laftiisu uu ka go’aamiyay aqoonsiga Somaliland.

Wasaaraddu waxay tixraacday warbixintii ka dhalatay mishiinkii xaqiiqo-raadinta ee Midowga Afrika uu u diray Somaliland sannadkii 2005. Warbixintaas ayaa si cad u sheegtay in midowgii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya sannadkii 1960-kii aan waligiis si rasmi ah loo sharciyeyn, sidoo kalena uu dhibaato iyo burbur ku dhammaaday intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1990.

Arrimahaas awgood, Midowga Afrika wuxuu xilligaas qeexay in raadinta aqoonsi ee Somaliland ay tahay mid taariikh ahaan gaar ah oo aan la barbar-dhigi karin kiisaska kale ee qaaradda.

Dukumiintiga ay Isra!l soo xigatay wuxuu intaas ku daray in kiiska Somaliland aan loo arkin mid furaya albaabka burburka xuduudaha Afrika, balse ay tahay in loo eego qaab ka duwan kuwa kale. Midowga Afrika ayaa markaas soo jeediyay in xaaladda Somaliland looga hadlo qaab gaar ah oo ku salaysan taariikhda iyo masiirka dadka ku nool deegaankaas, maadaama ay tahay mid is-caddaynaysa.

Tallaabadan ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Isra!l dib ugu soo xasuusisay adduunka warbixintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu sare u kacay doodaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland iyo doorka ay Midowga Afrika ku leeyihiin xallinta arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here