Xubnaha Mucaaradka ah ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa isku fahmi la’ shirka uga socda Magaaladaas oo galay maalintii 3aad laguna wado in lasoo gabagabeeyo lagana soosaaro warmurtiyeed laga sugayo shirkaan.
Sida ay xaqiijieen ilo ku dhow shirka, xubnaha mucaaradka oo isugu jira mas’uuliyiin xilal kala duwan dalka kasoo qabtay, kuwo hadda haya iyo madaxda Dowlad-Goboleedyada Puntland & Jubbaland ayaa dhinac isku raaci la’
Xalay waxaa dhacay kulamo gaargaar ah oo ay yeesheen xubnahaan si ay isugu soo dhawaadaan, wax natiijo ah lagama gaarin, waxaa Warbaahinta laga qariyay qodobada gaarka ah ee Khilaafka uu salka ku hayo.
khilaafka ka dhashay Qaab dhismeedka hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo dhinacyadaan is qabtay ay la kala rabaan Xubno katirsan Golahaas balse dhinac weliba uu xoogga saaray hirgelinta hamigiisa.
Ilo kala duwan ayaa waxaa ay xaqiijiyayaanaa in ilaa caawa lasoo saari doonno Warmurtiyeed lagu xusi doonno in kulan kale ay isugu imaan doonnaan Xubnahaan si ay uga arrinsadaan Xaaladda Dalka, Doorashooyinka iyo Dastuurka sida wararku sheegayaan.



