Home WARARKA Mucaaradka UK oo ku hanjabay haddii ay ku guulaystaan doorashada soo socota...

Mucaaradka UK oo ku hanjabay haddii ay ku guulaystaan doorashada soo socota in Soomaali badan laga musaafurin doono dalkaas

4
0

Xisbiga midigta fog ee Britain ee Reform UK ayaa shaaciyay qorshe cusub oo si weyn u adkeynaya siyaasadda socdaalka, kaas oo ay ku jirto in fiisooyinka laga joojiyo lix dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay, haddii ay ku guuleystaan doorashada guud ee soo socota.

Afhayeenka arrimaha gudaha ee xisbiga, Zia Yusuf, ayaa qorshahan ku dhawaaqay khudbad uu ka jeediyay magaalada Dover, isagoo sheegay in dowlad uu xisbigiisu hoggaamiyo ay si degdeg ah u joojin doonto bixinta fiisooyinka dalalka aan dib u qaadan muwaadiniintooda laga masaafurinayo Britain. Dalalka la magacaabay waxaa ka mid ah Pakistan, Eritrea, Soomaaliya, Syria, Afghanistan iyo Sudan. Wuxuu caddeeyay in xayiraaddan aan laga qaadi doonin dalalkaas ilaa ay aqbalaan in dib loo celiyo muwaadiniintooda sharci darrada ku jooga UK.

Zia Yusuf ayaa sidoo kale sheegay in xisbigiisu qorsheynayo masaafurin ballaaran oo lagu saarayo dhammaan dadka sida sharci darrada ah ku jooga dalka, isagoo ku tilmaamay arrintaasi xaalad degdeg ah oo la xiriirta amniga qaranka. Wuxuu sheegay in la dhisi doono hay’ad gaar ah oo u xil saaran qabashada iyo masaafurinta dadkaasi, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku sugan Britain si sharci darro ah.

Hoggaamiyaha Reform UK, Nigel Farage, ayaa hore ugu ololeyn jiray xakamaynta socdaalka, wuxuuna ballanqaaday in dowlad uu hoggaamiyo ay si buuxda diiradda u saari doonto joojinta muhaajiriinta ku imaanaya doomaha yar yar iyo masaafurinta dadka aan sharciyada buuxin.

Qorshahan cusub ayaa sidoo kale tilmaamaya in wax laga beddeli doono nidaamka deganaanshaha, iyadoo la doonayo in meesha laga saaro deganaanshaha joogtada ah laguna beddelo fiisooyin waqti xaddidan leh, islamarkaana la adkeeyo shuruudaha luqadda Ingiriisiga iyo heerka mushaharka loogu imaan karo fiiso shaqo.

Haddii qorshahan la hirgeliyo, Soomaaliya waxay ka mid noqon doontaa dalalka sida tooska ah u wajihi kara joojinta fiisooyinka, arrintaas oo saameyn ku yeelan karta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan ama ku biiraan qoysaskooda ku nool Britain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here