Home WARARKA Muuqaal-dubahii Himilo TV, oo Maxkamadda Gobolka Banaadir si rasmi ah u...

Muuqaal-dubahii Himilo TV, oo Maxkamadda Gobolka Banaadir si rasmi ah u daysay, loona diiday in uu qaato qalabkii warbaahinta

27
0

Muuqaal-dubaha Himilo TV, Cabdulahi Maxamed Cali “Saawey” oo Maxkamadda Gobolka Banaadir si rasmi ah u soo daysay, ayaa maanta si sharci–darro ah loogu diiday in uu qaato qalabkii warbaahinta ee camerada iyo agabka kale ee shaqada, xilli uu dib ugu noqday Saldhigga Yaqshiid.

Go’aanka Maxkamaddu waa mid fulin qasab ah, sida uu qabo
Qodobka 128-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, hay’adaha fulinta iyo amniga waxaa ku waajib ah in ay u hoggaansamaan go’aannada garsoorka. Sidoo kale Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed wuxuu dammaanad qaadayaa in warbaahintu leedahay xuquuq buuxda oo ay ku haystaan agabkooda iyo howlgaladooda, haddii aanay jirin amar maxkamadeed oo xayiraad saaraya.

Si kastaba ha ahaatee, qalabkii shaqada ee Saawey weli waxaa looga haystaa Saldhigga Yaqshiid, waxaana muuqata inaan la fulin amarka Maxkamadda, taas oo ka hor imanaysa waajibaadka sharciga iyo nidaamka Garsoorka ee dalka.

Himilo TV Waxay ku adkaysanaysaa in Qalabka warbaahinta si degdeg ah loogu soo celiyo.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir uu qaato masuuliyadda ku saabsan fulinta amarka garsoorka.

Lana joojiyo tallaabo kasta oo xadgudub ku ah xuquuqda saxaafadda iyo hantida warbaahinta.

Himilo TV waxay ilaalin doontaa xaqa ay u leedahay shaqadeeda, waxayna si buuxda ugu tiirsanaan doontaa sharciga dalka ayaa lagu yiri’qoraal ka soo baxay Himilo TV .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here