Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland ayaa howlgal gaar ah oo socday muddo afar maalmood ah ka fuliyay Howdka Fog ee Badda Madow, deegaanka Lagta Hola-Wajeer ee Degmada Badhaadhe, halkaas oo lagu jabiyay Kooxda Al-shabaab sida ay tebisay warbaahinta Jubaland
Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Nabad Sugida Jubaland, Maxamed Axmed Sabriye “Basaam”, ayaa si qorsheysan loo fuliyay, iyadoo ay hawada ka taageerayeen saaxiibada caalamiga ah, waxaana Saraakiisha ammaanka ay sheegeen in howlgalka lagu dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsanaa Dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay meydadka 60 ka mid ah Dagaalamayaasha la dilay, iyo hub iyo qalab fara badan oo ay ka mid yihiin miinooyin noocyo kala duwan leh, maaddooyinka laga sameeyo qaraxyada, qalabka isgaarsiinta, hub iyo saanad ciidan.
Inta lagu guda jiray howlgalka sida uu tebiyay Tv ga Jubaland, waxaa la burburiyay saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen howdka, kuwaas oo isugu jiray xarumo saadka, keydad hub, goobo lagu farsameeyo qaraxyada iyo xarumo isgaarsiin.
Saraakiishu waxay sheegeen in goobahan ay ahaayeen meelihii laga soo abaabulay weerarro ka dhan ah shacabka iyo xarumaha amniga, oo ay ku jirto weerarkii dhawaan lagu qaaday deegaanka Kudhaa.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa tilmaamay in howlgaladu ay sii socon doonaan ilaa laga cirib tiro kooxaha argagixisada ah ee ku sugan howdka iyo deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.



