Kooxda Newcastle United ayaa diyaar u ah inay tixgeliyaan iibinta weeraryahankooda Alexander Isak, iyadoo ay si adag u wadaan dadaallada ay ku doonayaan Benjamin Sesko iyo Yoane Wissa, sida uu sheegay weriyaha sare ee ciyaaraha ee Daily Mail, Craig Hope.
Newcastle waxay hadda si cad u muujisay inay diyaar u yihiin inay sahamiyaan iibka Isak. Waxaa jira faham ka jira dhanka kooxda oo ku saabsan rabitaanka Isak ee ah inuu ka tago, sidoo kalena waxaa jira fursad ay kooxda uga faa’iideysan karto iibkiisa,” ayuu yiri Hope.
“Haddii Liverpool ay keento lacagta saxda ah, iyo haddii Newcastle ay diyaar u tahay iibkiisa, markaas waxaan filayaa in dhaq-dhaqaaqa dhabta ah la arki doono,” ayuu yiri Craig Hope.
Haddii xaaladda ay sidaas ku socoto, Isak ayaa noqon kara xiddiga xiga ee magaaladda Newcastle ka tagaya xagaagan.



