Dhacdo murugo leh ayaa ka dhacday qabuuraha Sheekh Ooyaaye ee magaalada Jowhar, kadib markii Cali Maxamuud Axmed Talaad (Cali Muran) uu ku geeriyooday weerar shinni oo ka dhacay xilli uu ka qeyb galayay aaska walaashiis Madiino Maxamuud Axmed Talaad.
Weerarka shinnida ayaa sababay dhimashada Cali Muran, halka ilaa shan qof oo kale oo goobta joogay ay ku dhaawacmeen.
Marxuum Cali Maxamuud Axmed Talaad wuxuu ka mid ahaa waxgaradka magaalada Jowhar, inkastoo sanadihii u dambeeyay uu ku noolaa Muqdisho.
Dadka deegaanka iyo ehelka marxuumka ayaa ka muujiyay murugo iyo naxdin dhacdadan naxdinta leh.
Dhacdadan ayaa dib u xasuusinaysa Bulshada khatarta shinnida iyo muhiimadda taxadarka xilliyada ay dadku isugu yimaadaan aaska iyo dhacdooyinka kale ee bulshada dhexdeeda.



