Muwaadin u dhashay dalka Spain ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah kaddib markii uu iska dhigay bixiye adeeg oo la shaqeeya howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, si uu si khiyaano ah u helo lacago, kaddib baaritaan ay sameysay Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Yurub (EPPO) ee magaalada Madrid, Spain.
Arrintaan ayaa waxay ku saabsan tahay lacago loo qoondeeyay Howlgalka Midowga Yurub ee Dhismaha Awoodda Soomaaliya (EUCAP Somalia), oo loo igmaday inuu ka caawiyo Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Soomaaliyeed kor u qaadista awoodda fulinta sharciga iyo xoojinta amniga badda.
27-kii Diseembar 2022, eedeysanaha oo iska dhigaya bixiye adeeg qalab caafimaad ah iyo shaybaar siiya howlgalka Midowga Yurub, ayaa diray email uu ku codsanayo in lacago loogu shubo akoon bangi oo uu isagu maamulayay. Sidaas ayuu ku helay lacag dhan 69,751.40 yuuro, taas oo 9-kii Janaayo 2023 lagu wareejiyay akoonka bangi uu gacanta ku hayay.
Marka laga soo tago xukunka xarigga, Qaybta Labaad ee Maxkamadda Dambiyada ee Audiencia Nacional ayaa sidoo kale ku xukuntay inuu bixiyo ganaax soconaya 10 bilood, oo ah 10 yuuro maalintii. Sidoo kale, waxaa lagu amray inuu dib u bixiyo lacagtii uu si sharci darro ah ku helay.
Xukunka oo la soo saaray 9-kii Febraayo 2026, ayaa noqday kii ugu horreeyay ee Maxkamadda Dambiyada ee Audiencia Nacional ku rido kiis ay baartay EPPO ee Madrid, waxaana wali suuragal ah in racfaan laga qaato.
EPPO waa xafiiska xeer-ilaalinta madaxbannaan ee Midowga Yurub, waxaana uu mas’uul ka yahay baarista, dacwad-oogista iyo maxkamadeynta dambiyada ka dhanka ah danaha maaliyadeed ee Midowga Yurub.



