Home WARARKA Puntland oo ciidamadii ugu badnaa kasoo saartay Calmiskaad, iyadoo ku daabulaysa Calmadow

Puntland oo ciidamadii ugu badnaa kasoo saartay Calmiskaad, iyadoo ku daabulaysa Calmadow

12
0

Puntland ayaa ka soo saartay ciidamadii ugu badnaa ee ka dagaallamayay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, kaddib muddo ku dhow hal sano oo uu halkaas ka socday howlgal ka dhan ah kooxda Daacish.

Ciidamadan ayaa saakay laga soo daadgureeyay deegaanka Turmasaale, oo ka mid ahaa saldhigyadii ugu adkaa ee Daacish, islamarkaana laga xoreeyay horraantii sanadkii hore.

Laamaha amniga Puntland ayaa sheegay in si weyn loo wiiqay awooddii Daacish ee Calmiskaad, iyagoo xusay in ay halkaas ku hareen kooxo yar oo firxad ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya togga Baallade.

Waxa ay intaas ku dareen in la sameeyay guuto guur-guurta oo loo bixiyay “Afmeer”, kuwaas oo loogu talagalay inay si joogto ah uga howlgalaan Calmiskaad, si loo soo afjaro haraadiga Daacish ee weli ku sugan aaggaas.

Ciidamada laga soo saaray Calmiskaad ayaa loo diyaarinayaa inay ka qeyb qaataan howlgalka xiga ee Unkad, kaas oo laga fulin doono buuraha Calmadow, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Puntland ayaa talis ciidan ka dhistay gobolka Sanaag, iyadoo la filayo in halkaas looga dhawaaqo bilowga rasmiga ah ee howlgalka Calmadow.

Inkasta oo Daacish laga sifeeyay inta badan Calmiskaad, haddana weli waxay dhibaato ku hayaan dadka reer guuraaga ah, iyagoo ka qaata xoolaha ay haystaan si ay ugu quutaan, maaddaama kooxdaasi ay ku jirto xaalad go’doon ah.

Dhanka kale, Daacish ayaa maalmo ka hor qarax aan wax khasaare ah geysan ka fulisay deegaanka Turmasaale, oo ay ciidamadu saaka ka baxeen. Qaraxaasi wuxuu ahaa miino dhulka lagu aasay, laguna doonayay in lagu beegsado ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here