Home WARARKA Puntland oo ka digtay khataro ku jira iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga

Puntland oo ka digtay khataro ku jira iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga

5
0

Puntland ayaa sheegtay in loo baahan yahay dib-u-eegis lagu sameeyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ka digay in qaabka uu hadda u dhisan yahay uu halis gelin karo madax-bannaanida dalka haddii aan la hubin hufnaan iyo dheellitirnaan.

Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal uu soo saaray oo uu ku sheegay in Turkigu door muuqda ka qaatay dib-u-dhiska Soomaaliya, isagoo xusay kaabayaasha la dhisay, adeegyada bulshada iyo tababarrada ciidamada.

Wuxuu sheegay in su’aasha hadda taagan aysan ahayn in caawimaad la bixiyay, balse ay tahay in la qiimeeyo sida heshiisyadaasi ugu adeegayaan danaha fog ee Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Puntland waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay marin istiraatiiji ah iyo fursado dhaqaale oo waaweyn, balse ay jiraan walaacyo ku saabsan awoodda gorgortanka dalka iyo heerka hufnaanta ee heshiisyada la galayo. Wuxuu sheegay in marka heshiisyada waaweyn aysan si cad ugu muuqan shacabka, ay taasi dhalin karto shaki iyo kalsooni darro, gaar ahaan dal weli kasoo kabanaya xasillooni darro.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay iskaashiga amniga, oo uu ku tilmaamay mid xasaasi ah, isagoo xusay in inkasta oo tababarka ciidamada uu muhiim yahay, haddana ay jirto cabsi la xiriirta saameyn dibadeed oo ku yeelan karta madax-bannaanida hay’adaha amniga.

Wuxuu ka digay in haddii ciidamada lagu arko inay ku milmaan arrimaha siyaasadda, ay taasi keeni karto xiisado iyo kala qeybsanaan dheeraad ah.

Hadalkan ayaa kusoo aaday, maalin kaddib markii Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ay si wadajir u daahfureen howlgalka qodista shidaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here