Home WARARKA Qoyska madaxweynaha Puntland oo lala xiriiriyay ku lug lahaanshaha Macdan si sharci...

Qoyska madaxweynaha Puntland oo lala xiriiriyay ku lug lahaanshaha Macdan si sharci darro ah looga gurto gobolka Sanaag, loona iib geeyo Dubai

5
0

Warbixin cilmi-baariseed oo cusub oo ay soo saartay global Initiative oo ah shabad ka shaqeysa xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, maamul wanaagga, iyo horumarinta, ayaa sheegtay in deegaanka Milxo, oo ku yaalla Buuraleyda Golis ee gobolka Sanaag, uu noqday goob si baahsan loogu qodo dahab si sharci-darro ah, laguna dhoofiyo suuqyada caalamka, iyadoo aanay jirin maamul si buuxda u xukuma ama u nidaamiya howlaha macdanta ka socda halkaas.

Sida ay warbixintu tilmaamayso, Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland midkoodna si rasmi ah uma maamulo Milxo, taas oo abuurtay xaalad sharci-la’aan ah, isla markaana meesha ka saartay nidaam canshuureed, kormeer iyo isla-xisaabtan dowladeed.

Dahabka laga soo saaro Milxo ayaa sida warbixintu sheegtay, inta badan waxaa si aan rasmi ahayn loogu qaadaa magaalada Dubai. Warbixintu waxay intaas ku dartay in kastamyada Imaaraadka Carabta aysan mar walba dalban shatiyo, caddeyn asal ah ama dukumiintiyo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, taasoo fududeysay in dahab laga keenay goobo colaado ka jiraan uu ku biiro silsiladda ganacsiga caalamiga ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay in Puntland aysan lahayn sharci macdan-qodis oo si buuxda u dhaqan-galay, isla markaana dakhliga laga helo dahabka uu aad u kooban yahay. Dakhligaas ayaa inta badan lagu sheegay canshuur magac u yaal ah oo laga qaado garoonka diyaaradaha Bosaso, taas oo aan si cad uga muuqan diiwaannada rasmiga ah ee dakhliga Puntland.

Qodob kale oo xasaasi ah oo warbixintu xustay ayaa ah in mid ka mid ah shirkadaha ama hawl-wadeenada ka shaqeeya Milxo lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay qoyska Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inkastoo aan la shaacin caddeymo faahfaahsan ama jawaab rasmi ah oo arrintaas ku saabsan.

Warbixintu waxay sheegtay in Al-Shabaab iyo laanta Daacish ee Soomaaliya ay ku sugan yihiin Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad, islamarkaana ay dadaal ugu jiraan inay ka faa’iideystaan dakhliga dahabka, iyagoo canshuur ama baad ka qaadaya macdan-qodayaasha.

Guuleed Saalax Barre, oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa xaaladda Milxo ku tilmaamay mid halis ku ah mustaqbalka Puntland. Wuxuu sheegay in arrimihii ay hore uga digeen ay maanta si cad u muuqdaan, isaga oo ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland inuu nidaamka dowladnimo u leexiyay dano gaar ah, eedayn uusan dhinaca madaxweynuhu weli ka jawaabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here