Home WARARKA Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo amray in kaarka Caafimaadka Dowladda laga dhigo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo amray in kaarka Caafimaadka Dowladda laga dhigo mid lacag la’aan ah

4
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa amar ku bixiyay in kaarka caafimaadka ee ay bixiso Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu noqdo mid gebi ahaanba lacag la’aan ah, kaddib cabashooyin ka yimid shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in Wasaaradda Caafimaadku aysan wax lacag ah ka qaadi karin muwaadiniinta marka la bixinayo kaarka caafimaadka, isla markaana la joojiyo wax kasta oo keeni kara culays dhaqaale oo la saaro bukaanka.

“Wasaaradda Caafimaadku lacag ma qaaddo. Xarumo  gaar ah oo xadidan oo la isla fahmay baa jira, balse marka ay muwaadiniintu yimaadaan xarumahaas, dowladdu ma oggolaanayso in lacago laga qaado,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in qofka kaliya laga doonayo dukumentiyada lagama maarmaanka ah, sida waraaqaha baaritaanka iyo caddeynta isbitaalka lagu soo baaray, balse aysan jiri doonin wax lacag ah oo laga qaadayo.

Amarkan ayaa yimid xilli ay jireen cabashooyin la xiriira lacago sharci-darro ah oo laga qaadi jiray qaar kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha ku shaqada leh in ay si buuxda u fuliyaan amarkan, isla markaana wuxuu amar ku bixiyay in shacabkii uu maanta la kulmay ee cabanayay lacagahoodii dib loogu soo celiyo.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan ayaa ku wargaliyay shacabka in ay isbitaala ka soo qaataan tallaalada ay muhiim tahay inuu qaato qofka dibbada u safrayo. Wuxuu sheegay in qof kaste oo tallaalkaas qaatay si bilaash ah lagu siin doono buugga caafimaadka. Wuxuu sheegay qofkii aanan tallaalka soo marin in aan la siin doonin.

Shacabka ayaa si weyn u soo dhoweeyay amarka raysal wasaaraha , iyagoo uga mahad celiyay joojinta lacagta laga qasbi jiray dadka safraya inay bixiyaan, taasoo ahayad $30, si ay u sii qaataan buugga caafimaadka ee tilmaamaya qaadashada tallaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here