Home WARARKA Ra’iisul wasaare Xamse oo u safraya magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse oo u safraya magaalada Dhuusamareeb

1
0

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha ayaa halkaasi uga qeyb galaya xiritaanka shirka Heritage oo muddo saddex maalmood ah ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Shirkaan ayaa lagu soo bandhigay arragtiyo la xiriira dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa mustaqbal ifaya oo waxbadan taraha bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa halkaasi ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira sidii loo ilaalin lahaa midnimada bulshada SooSoomaaliyeed.

Sidoo kale, gaba gabad Shirka Machadka Heritage ayaa la filayaa in laga soo saaro baaqyo iyo farriimo loo diri doono dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here