Home WARARKA Raysal Wasaaraha Israa’iil oo sharaxay sababta uu Somaliland u aqoonsaday

Raysal Wasaaraha Israa’iil oo sharaxay sababta uu Somaliland u aqoonsaday

6
0

Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal degan, Muslim ah, qunyar socod ah, isla markaana doonaya in uu xidhiidh la yeesho Israa’iil, taasina ay ku kalliftay in ay aqoonsadaan.

Netanyahu, oo waraysi siiyay warbaahinta Newsmax, ayaa sheegay in Somaliland ay ka degan tahay marka la barbar dhigo inta kale ee Soomaaliya, oo uu sheegay in ay argagixiso si ba’an u saamaysay, isla markaana aan doorashooyin toos ah ka dhicin muddo dheer.

“Somaliland waa dal Muslim ah oo ay ku nool yihiin 6 milyan oo Muslimiin qunyar socod ah. Waxay rabaan in ay ku biiraan Heshiisyada Ibraahiimiyada, taasina waxan u arkaa wax wanaagsan. Doorashooyin ayay qabsadeen, halka inta kale ee Soomaaliya ay joogto Al-Shabaab, isla markaana tobannaan sano aanay doorashooyin ka dhicin,” ayuu yidhi Netanyahu.

Waxa uu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu noqday mid lama huraan ah, maadaama ay tahay dal Muslim ah oo doonaya in uu ku biiro Heshiisyada Ibraahiimiyaadka, isla markaana wuxuu sheegay in waddan kasta ku qasban yahay in uu aqoonsado, isaga oo intaa raaciyay, “Laakiin annaga ayaa ugu horreeyay.”

Aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland ayaa la kulmay cadaadis iyo diidmo caalami ah. Dhammaan dalalkii ka qayb galay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay aqoonsiga, marka laga reebo Maraykanka, oo sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay Somaliland aqoonsato.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in kulankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa aqoonsiga Somaliland uu muujinayay munaafaqada beesha caalamka. Waxa uu sheegay in caalamku aanu ka hadlin aqoonsiga Falastiin oo uu ku tilmaamay dal aan jirin, halka ay si weyn uga qayliyeen aqoonsiga Somaliland oo uu ku tilmaamay dal jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here