Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladdiisu ay gashay diyaar-garow milatari oo looga hortagayo burcad-badeednimada iyo argagixisada laga bilaabo cirifka Soomaaliya illaa dekedda Massawa ee Eritrea.
Raysal wasaare Abiy wuxuu sheegay in tababarrada milatari oo horay uga socday dhulka, buuraha iyo webiyada, hadda lagu daray howlgal badeed. Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay la shaqeyn doonto “shucuub walaalo ah” si loo tirtiro argagixisada badda ee marin-biyoodka Badda Cas, loona xaqiijiyo horumar iyo barwaaqo goboleed.
Abiy ayaa sheegay in Itoobiya dhistay ciidan gaar ah oo heer sare ah, kuna qalabeysan tiknoolajiyad casri ah, awoodna u leh inay sameeyaan sahamin iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), weerarro ku qaadaan saldhigyo adag iyagoo adeegsanaya diyaaradaha is-qarxiya (kamikaze drones), isla markaana fuliyaan howlgallo degdeg ah oo ka dhaca goobaha istaraatiijiga ah.
Wuxuu ku tilmaamay ciidankan mid loogu talagalay in uusan kaliya xoojinin ama soo gaabinin dagaalka marka loo baahdo, balse ugu horreyn ka hortaga dagaal iyo argagixiso ka dhacda Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.
Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu, dalka waxa uu dhisay ciidan xooggan oo lagu kalsoonaan karo oo awood u leh inuu si dhakhso leh u soo afjaro colaadaha haddii ay soo baxaan khataro, isaga oo carrabka ku adkeeyay in kordhinta awoodda milatari ay tahay mid looga gol leeyahay ka hortagga xasillooni-darrada, balse aan ahayn mid hurinaysa.
Hadalka Abiy Axmed ayaa yimid, xilli xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritrea ay cirka isku shareertay, sababa la xiriira damaca Addis Ababa ee marin biyoodka badda cas.
Dhawaan, Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa oo ay ku nool yihiin 130 milyan uusan sii ahaan karin bad la’aan ama deked la’aan.



