Home CAYAARAHA Ruben Amorim muxuu ka dhahay Wararka Manchester United La Xiriirinaya Benjamin...

Ruben Amorim muxuu ka dhahay Wararka Manchester United La Xiriirinaya Benjamin Sesko

134
0

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa si taxaddar leh uga hadlay wararka la xiriirinaya suurtagalnimada uu kooxda ugu soo biiri karo weeraryahanka RB Leipzig, Benjamin Sesko, isagoo diiradda saaray xaalada hadda ee kooxda.

Amorim ayaa yiri:

“Maya, kama hadli karo wax ku saabsan [Sesko]. Waxa ugu muhiimsan waa in Rasmus Hojlund uu goolal dhalinayo, isla markaana si fiican ula qabsaday kooxda.”

Tababaraha reer Portugal ayaa si cad u muujiyay kalsoonida uu ku qabo Hojlund, isagoo intaa ku daray:

Aad baan ugu faraxsanahay Rasmus. Ma hubo waxa dhici doona inta uu suuqa furan yahay, laakiin waxa muhiimka ah waa in weeraryahanada hadda jooga ay si fiican u shaqeynayaan, horumar sameynayaan, isla markaana kooxda ka caawinayaan guulaha.”

Hadalkan ka soo yeeray Amorim ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan warar xooggan oo sheegaya in United ay ku dhowdahay saxiixa Benjamin Sesko, kaasoo sidoo kale lala xiriirinayo Newcastle United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here