Home WARARKA Sacuudiga oo ku dhowaaqay maalinta 1-aad ee Ramadaan

Sacuudiga oo ku dhowaaqay maalinta 1-aad ee Ramadaan

3
0

Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay in Bisha Ramadaan laga arkay gudaha dalkaasi, waxayna ku dhawaaqday in maalinta berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.

Kadib war kasoo baxay maamulka Xarameynka ayaa waxa si rasmi ah caawa taraawiixda looga bilaabaya Xaramka, bacda salaada Cishaa’i’

Labada masjid ee barakeysan ayey salaaddaha Taraawiixdu ka bilaaban doonaan caawa salaadda Cishaa’i kadib.

Dalal uu kamid yahay Sacuudiga ayaa bilaabay galabta raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1447 Hijriyadda, iyada oo xiligaas ay dalbadeen in la baadi goobo bisha, taasi oo goordhoweyd si rasmi ah loo xaqiijiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here