Home WARARKA Sarkaal Al-shabaab u qaabilsana Aasida Miinooyinka oo lagu dilay duuleedka degmada Afgooye

Sarkaal Al-shabaab u qaabilsana Aasida Miinooyinka oo lagu dilay duuleedka degmada Afgooye

16
0

Ciidanka Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ee NISA ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay maanta ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku dileen xubin ka tirsanaa Al-shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in ninkan la dilay uu kooxda All-shabaab u qaabilsana diyaarinta iyo aasida miinooyinka dhulka lagu aaso ee lagu beegsan jiray ciidamada amaanka iyo dadka shacabka ah.

Howlgalkan oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay oo lagu beegsanaaya6 xubno khatar ku ahaa amniga degmada iyo deegaanada ku dhadhaw ayaa lagu khaarajiyay ninkan oo la sheegay in mudo lagu raad joogay.

“Howlgalka oo si taxaddar leh ay u fuliyeen ciidanku, ayaa lagu khaarijiyay dhagar-qabahaasi, iyadoo laga soo furtay qori nooca AK-47 ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Warka kasoo baxay NISA laguma shaacin magaca ninkan howlgalka qorsheysna lagu dilay iyo sidoo kale hadey jiraan khasaare kale oo ka dhashay howlgalkan ka dhacay duuleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyntii qoraalka kasoo baxay NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii wadi doonan ciidamadeed ilaa inta ay ka xaqiijinayaan amniga guud ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here